Cirro oo shaaciyey fursad ay ka dhex-arkaan arrin uu si aad ah u daneeyo Trump

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa dib-u-doorashada Madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka ku tilmaamay “fursaddii ugu weynayd” ee Somaliland ay ku heli karto aqoonsi rasmi ah oo caalami ah, isagoo xusay sumcadda Trump ee ah gorgortame ku shaqeeya dano dhaqaale.

Isagoo la hadlayay The New York Times kahor safar uu ku tegi doono magaalada Washington bisha Luulyo, Cirro waxa uu carabka ku adkeeyay in maskaxda ganacsi ee Trump ay noqon karto furaha riyada dheer ee Somaliland. Inkasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991, haddana weli ma helin wax aqoonsi caalami ah.

“Aniga iyo shacabka Somaliland waxa si adag noo rumeysan in aragtida ganacsi ee Madaxweyne Trump ay noqon karto jidkii noo horseedi lahaa aqoonsi caalami ah. Tani waa fursaddii ugu wanaagsanayd abid,” ayuu yiri Cirro.

Hadallada Cirro waxay muujinayaan in Somaliland ay dooneyso in ay ka faa’iideysato sumcadda Trump ee ah gorgortamiye la taaban karo. Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in Somaliland ay u bandhigi karto Mareykanka dan istiraatiiji ah oo muhiim ah.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa rajo ka qaba in ay la gaaraan heshiis Mareykanka si loogu oggolaado inuu si istiraatiiji ah u adeegsado dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Berbera—kuwaas oo ku yaalla gacanka Cadmeed, oo ah marin muhiim ah oo caalami ah, laguna bartilmaameedsado weerarro ay fuliyaan Xuutiyiinta Yemen.

Garoonka Berbera oo leh dhabbaha duulimaad ee dhererkiisu yahay 4.2 kiiloomitir, waxa uu xilligii Dagaalkii Qaboobaa u adeegayay saldhig milatari oo ay dhistay Midowgii Soofiyeeti, waxaana dhawaan dib u casriyeeyay Imaaraadka Carabta.

Dadaallada Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan walaaca Mareykanka ee ku aaddan amniga Soomaaliya iyo khilaafka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Jabuuti—waxaana Washington ay baadi-goob ugu jirtaa saldhigyo kale oo gobolka ah maadaama Shiinuhu uu halkaas ku yeeshay saameyn milatari oo isa soo taraysa.

Khubarada mashruuca Project 2025 oo ah hindise siyaasadeed oo ay wadaan taageerayaasha Trump, ayaa tilmaamay in kaabeyaasha milatari ee Berbera ay Mareykanka si gaar ah uga dhigayaan meel istiraatiiji ah.

Qaar badan oo ka mid ah kooxahani waxay dalbanayaan in Mareykanku ka laabto siyaasaddiisa “Soomaaliya Weyn,” iyagoo ku dooday in ay si dadban uga faa’iideystaan danaha Shiinaha. Somaliland waxay isku muujineysaa xulufo diiddan ballaarinta Shiinaha, iyadoo xoojisay xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Taiwan tan iyo 2020.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeedda dadaallada Somaliland ee aqoonsi raadinta, waxayna billowday olole diblomaasiyadeed oo ballaaran si ay uga hortagto taageero Mareykanku u muujiyo Hargeysa.

Sida ay weriyeen Reuters iyo Semafor, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ugu baaqay Trump inuusan aqoonsan Somaliland, isagoo taa beddelkeeda soo jeediyay in Mareykanku la wareego dekedaha iyo garoomada istiraatiijiga ah—oo ay ku jiraan kuwa ku yaalla Somaliland.

Bishii Janaayo 2024, Somaliland waxay la saxiixatay Itoobiya heshiis muran dhaliyay oo ku saabsan saldhig ciidan badeed, taasoo kicisay xiisad diblomaasiyadeed oo cusub oo kala dhex gashay Soomaaliya. Inkasta oo Itoobiya aysan si rasmi ah u aqoonsan Somaliland, haddana dhacdadaasi waxay hoosta ka xarriiqday muhiimadda istiraatiijiga ah ee ay gobolka ka leedahay.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in aqoonsi rasmi ah oo Somaliland la siiyo uu keeni karo xasillooni-darro gobolka ah, dhiirrigelin karto kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab, isla markaana abuuri karto khilaaf diblomaasiyadeed oo lala galo saaxiibada Mareykanka sida Turkey, Masar, iyo Midowga Afrika, kuwaasoo si cad uga soo horjeeda arrintan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Bakal, ayaa xaqiijiyay in wafdi heer sare ah oo ka socda Somaliland ay booqan doonaan Mareykanka bisha May, halka Madaxweyne Cirro isna la filayo inuu booqasho rasmi ah ku tago Washington bisha Luulyo—taasoo qayb ka ah dadaalka diblomaasiyadeed ee ay Somaliland ugu jirto aqoonsi caalami ah.