Xuutiyiinta oo gantaalo ku weeraray garoonka Tel Aviv iyo meelo kale oo Israa’iil ah

Qudus (Caasimada Online) – Milateriga Israel ayaa sheegay in gantaalo laga soo riday dalka Yemen Axaddii, balse ay rumeysan yihiin in dhexda laga qabtay, wax yar ka hor inta aysan kooxda Xuutiyiinta Yemen sheegan masuuliyadda weerarkaas.

“Kadib digniino dhawaan laga maqlay dhowr goobood oo Israel ah, dib-u-eegis kadib, waxaa la xaqiijiyay in hal gantaal laga soo riday Yemen,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay militariga Israel.

“Isku dayo lagu soo ridayay gantaalka ayaa la sameeyay, waxaana u muuqata in si guul leh loo bartilmaameedsaday,” ayaa lagu daray.

Weriyeyaasha AFP ee magaalada Qudus ayaa maqlay digniinta siren-ka, taasoo ay ku xigtay jug xoogan.

War kale oo milateriga Israel uu ku qoray luqadda Cibraaniga ayaa sheegay in “labada gantaal ee la tuhunsan yahay laga soo tuuray Yemen.” Booliiska Israel ayaa sheegay in sidoo kale dhowaqa digniinta lagu hawlgeliyay magaalada Tel Aviv.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa markii dambe sheegtay masuuliyadda weerarka gantaalada.

Bayaan ay soo saareen, kooxda ayaa sheegtay inay fuliyeen “howlgal milatari oo ay ku weerareen laba gantaal riddo dheer… mid lagu beegsaday saldhigga Sdot Micha oo ku yaalla bariga magaalada Ashdod ee la haysto, halka midka kalena lagu beegsaday garoonka diyaaradaha Ben Gurion.”

Kooxda Xuutiyiinta, oo ay taageerto Iiraan, ayaa si joogto ah u weeraraysay Israel iyagoo adeegsanaya gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn tan iyo intii uu dagaalka Gaza ka qarxay bishii Oktoobar 2023, kadib weerarkii ay Hamas ku qaaday Israel.

Xuutiyiintu sidoo kale waxay weerarro la beegsadeen maraakiibta ganacsiga ee maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyagoo sheegay in ay u taagan yihiin garab istaagga shacabka reer Falastiin ee ku sugan Gaza.