Xildhibaanada BF ee ka soo jeeda Somaliland oo ka hor-yimid go’aan uu qaatay Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kasoo jeeda gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa si adag uga hor yimid casuumaad uu madaxweyne Xasan Sheekh uu u fidiyay Madaxweynaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), si uu uga qayb galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qabanayo Muqdisho.

War-saxaafadeed ay maanta si wadajir ah u soo saareen 29 xildhibaan oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka, ayay ku sheegeen in hadalka Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid dhaawacaya hannaan-dhiska dowladeed, isla markaana sii hurinaya colaadda Gobolka Sool, xilli ay jiraan dadaallo nabadeed oo ay hormuud u yihiin beelaha deegaanka.

“Hadalka Ra’iisul Wasaaruhu, oo sida uu sheegay uu la qabo madaxweynuhu, waa go’aan aan lahayn saldhig sharci, horseedina kara kala qaybsanaan siyaasadeed iyo fowdo ku timaadda geeddi-socodka dhismaha dowladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Xildhibaannada ayaa ku adkeystay in masiirka midnimada Soomaaliya uu leeyahay saldhig sharci iyo mid taariikhi ah, loona baahan yahay in la ilaaliyo. Waxay sheegeen in tallaabo kasta oo lid ku ah midnimada iyo wadajirka qaranka ay noqon doonto mid keeni karta xasilooni darro cusub.

“In dariiqa keli ah ee Soomaali midaysan, xasilloon oo is ogol lagu heli karaa ay tahay dib u ambaqaadidda wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland,” ayay yiraahdeen.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale si cad u sheegay in aanay aqbali doonin wax tixgelin ah oo la siiyo maamul sheeganaya in uu yahay dowlad-goboleed cusub, iyadoo aan la raacin hanaanka uu dhigayo Dastuurka KMG ah. Waxay xuseen in qodobka 49-aad iyo 48-aad ee Dastuurka ay si cad u tilmaamayaan in wax maamul cusub ah lagu dhisi karin qaab sharci darro ah.

“Hindise kasta oo degmo ama qaybo ka mid ah gobol loogu aqoonsanayo maamul Goboleed iyadoo aan la raacin dariiqa dastuurka, waxay tahay mid horseedi karta burbur dowladeed iyo kala daataan maamullo hore u dhisnaa,” ayay ku digeen.

Si gaar ah, waxay uga digeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxtooyada in ay si khaldan u turjumaan rajada midnimada Soomaaliya, iyagoo sheegay in haddii la iska indhatiray xaqiiqooyinka taariikhiga ah ee xanuunka leh, ay adkaan doonto in la helo fursado dhab ah oo nabadeed.

“Waxaanu diidan nahay in si khaldan oo dhantaali karta rajada midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed loo wajahayo arrimaha midnimo-doonka,” ayaa lagu xusay gebogebada bayaankooda.

Bayaan-kan ayaa imaanaya ayada oo maanta uu Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in Madaxweyne Firdhiye uu aqbalay casuumaaddii, islamarkaana uu ka qayb geli doono Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

“Madaxweynaha SSC Khaatumo wuxuu madasha shirka fursad u heli doonaa inuu ka hadlo danaha iyo aragtida shacabka uu metelo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha, isagoo intaas ku daray in Dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay dadaallada maamulkaasi ku doonayo dhismaha rasmiga ah ee hay’adihiisa.

Xukuumadda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay in ay durba bilowday dhismaha xarumo maamulka u ah SSC Khaatumo, kuwaas oo qaar ka mid ah laga hirgelinayo magaalada Laascaanood.