Dubai (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, oo maanta ka qayb-galay Shirka Dawladaha Adduunka ee ka furmay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dalkiisu si weyn uga sugayo ictiraafka ay muddo badan raadinayeen.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay inuu rajaynayo in Mareykanku noqdo dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland, xilli dhawaan hadal-haynta arrintan ay si weyn u faaftay, wallow su’aal la geliyay in qorshahaas uu ka mid yahay ajandaha madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Donald Trump.
“Waxaan rajaynaynaa in Mareykanku noqdo dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland wuxuu nasiib darro ku tilmaamay midowgii Somaliland gashay sannadkii 1960-kii, kaas oo uu sheegay in xilligaas looga gol lahaa in lagu raadiyo midnimo Soomaaliyeed, balse Somaliland lasoo noqotay madax-bannaanideeda mar kale sannadkii 1991-kii.
Hadal-jeedinta Cirro, oo isugu dhafnayd mid uu ku iibgeynayay qaddiyadda Somaliland ee aqoonsi raadinta, ayaa ku dheeraaday waxyaabihii u qabsoomay soddonkii sano ee la soo dhaafay, muhiimadda ay Somaliland leedahay, iyo baahida loo qabo in ay hesho aqoonsi caalami ah.
Shirkan oo ay kasoo qayb-galeen madax kala duwan oo ka socota daafaha adduunka, ayna qayb ka yihiin wasiiro ka socda dowladda federaalka Soomaaliya, ayuu Madaxweynaha Somaliland ka sheegay in ay yihiin dal madax-bannaan oo xaq u leh inuu helo ictiraaf caalami ah, xilli adduunku u aqoonsan yahay maamul ka tirsan Soomaaliya.
“Somaliland waxay leedahay xeeb dhererkeedu yahay 850 km oo ku taalla gacanka Cadmeed. Magaalada Berbera, oo ah deked istaraatiji ah, waxa dagaalkii qaboobaa adeegsaday quwadihii Ruushka iyo Maraykanka, waxaad halkaas ka garan kartaa muhiimadda ay leedahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.
Waxa uu intaas ku daray: “Waxaan rajaynayaa in aan dhammaystirno heshiiska isu gudbinta badeecadaha ee Itoobiya iyo Somaliland ka hor dhammaadka sannadkan aan ku jirno.”