Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka 2-aad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa maanta furey shirweynaha shanaad ee ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho.
Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay illaa 320 ergo oo ka kala socda dowlad-goboleedyada dalka, gobolka Banaadir iyo wakiillo matalaya 12-ka urur oo shaqaalaha Soomaaliyeed ah.
Inta uu socdo shirka ayaa waxaa looga arrinsan doonaa difaaca xuquuqda shaqaalaha iyo madal istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo hannaanka dimoqraadiyadeed ee gudaha, laguna adkaynayo midnimada shaqaalaha, la dagaallanka caddaalad-darrada, horumarinta dimoqraadiyadda, kor u qaadidda shaqo abuur, iyo horumar qaran oo ku dhisan sinnaansho iyo caddaalad bulsho.
Mudane Cabdisalaan Dhaay oo ka hadlay furitaan shirweynahan ayaa sheegey in uu ku faraxsan yahay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maalmo ka hor saxiixay sharciga shaqada ee dib u eegis lagu sameeyay 52 sano kaddib.
Tan ayuu ra’iisul wasaare ku-xigeenka 2-aad ku tilmaamy guul muhiim ah oo u soo hooyatay shaqaale weynaha Soomaaliyeed.
“Waa mid muhiim ah in dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo dowladood horkaceyso ay ka wada shaqeeyaan sidii lagu gaari lahaa cadaalad, dimuqraadiyad iyo xoojin xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed. Soomaaliya waxay mareysa xilli taariikhi ah oo dalkeennu uu sameynayo horumar dhinacyo badan taabanaya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta barnaamijka shaqo wanaagsan (Decent Work Country Programme) oo ah mid mudnaan sare u leh Soomaaliya, si loo xaqiijiyo in koboca dhaqaalaha uu la jaanqaado fursado shaqo ee dalka ka jira.