Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya, isla markaana shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in isaga iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka la weeraray, xilli uu socday shir xasaasi ah.
Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ka joojiyeen shir kooda, isaga oo ku eedeeyay in uu soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Aniga ayaa la igu soo weeraray, anigoo hadlaya ayaa ciidan la igu soo dul dhigay, boorkii ayaa nagala fujiyay. Xasan Shiikhow, beenlow ayaa tahay, waana kula dagaallameynaa,” ayuu yiri xildhibaanku.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ujeedkooda uu ahaa mideynta shan xisbi siyaasadeed, isla markaana ay shirka uga hadlayeen kaliya mustaqbalka xisbiyada iyo horumarintooda.
Xildhibaan Jeesow ayaa sidoo kale xusay in arrintan ay caddeyneyso in Madaxweyne Xasan uusan daacad ka ahayn qorshihiisa doorashooyinka qof iyo codka ah, sida uu hadalka u dhigay.
“Tan ayaa caddeyneysa in aadan rabin doorasho qof iyo cod ah. Inaad xisbiyadii dalka kusoo weerarto meeshii ay ku shirayeen oo ay ku midoobaayeen, midnimo diid ayaa tahay,” ayuu sii raaciyay Xildhibaan Daahir Jeesow.
Waxaa kale oo uu xildhibaanku yiri: “Waxaan oggolahay doorasho xaq ah oo xalaal ah, oo loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay inay ka dhacdo dalka.”
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan eedeynta loo jeediyay, taasoo kusoo beegmeysa xilli uu weli halkiisii yahay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan sida loo wajahayo doorashooyinka dalka.
Hoos ka daawo muuqaalka