25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Horyaalka heerka koowaad ee dalka oo maanta Furmaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Saacadaha soo aadan waxaa lagu wadaa in garoonka kubadda Cagta ee Garoonka Conis Stadium Ciyaaraha Horyaalka heerka koowaad ee dalkeena Soomaaliya.

Garoonka oo dhowaan dib u dayac tir ka helay Xiriirka Kubada Cagta Aduunka ee FIFA iyadoona naqshad ahaan garoonkaasi lala mid dhigay sida garoomada caalamka oo kale .

Ciyaar daah fur u aheyd Garoonka Conis oo maalin ka hor ka dhacday ayaa waxaa isaga hor yimid Kooxaha Banaadir iyo Elman, waxaana ciyaartan ay aheyd Koobka loo yaqaano Super Cup-ka Somalia

Waxaana natiijada ciyaartaasi ay ksuoo idlaatay 5-4 oo guushu ay ku raacday kooxda kubada cagta ee Elman kadib rogoorooyin  ay labada dhinac wada tuurteen  iyadooona  mudadii 90-ka daqiiqo aheyd ee iyaartaasi ay kusoo dhamaatay bareejo 1-1 ah .

Maanta ayaa si rasmi ah lagu wadaa inay u furmaan Horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya .

Kooxaha Horyaalka ka qeyb qaadanaya oo ah sideed kooxood ayaa waxay kala yihiin:-

1-Elman
2-Gaadiidka
3-Savaanah
4-Heegan
5-LLPP Jeenyo
6-Horseed
7-Dekedaha
8-Banaadir

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News