Cod laga duubay iyo arrimo uu ku lug yeeshay safiirka Soomaaliya ee Turiga oo ka carreysiiyey Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha dibedda ayaa ka carrooday arrimo uu ku lug leeyahay safiirka Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Caydiid, oo diyaarad loogu soo kireynayo Soomaali ku xayiran dalkaas, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Safiirka ayaa diyaarad gaar oo kiro ah u raadinaya Soomaali ku xayiran Turkiga oo u badan ganacsato, kuwaas oo iska diiwaan-geliyey safaaradda ayaga oo la baxaya lacagta.

Cod uu Jaamac Caydiid soo dhigay group WhatsApp ah, oo dadkan la isugu geeyey, ayuu ku sheegayaa inuu lacag dhan 933 dollar oo qofkiiba ah kusoo helay diyaarad dadka kasoo qaadeysa Istanbul, islamarkaana geyneysa magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho.

Ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu aad uga carrooday codkan kadib markii uu dhageystay, islamarkaana dalbaday sharaxaad.

Inkasta oo howsha uu qabanayo safiirka loo arki karo mid wanaagsan, haddana wararka aan helnay ayaa sheegaya in qalad loo arkay in safiirka uu si shaqsi ah ugu lug yeesho arirntan iyo in safaaradda ay lacagta diyaaradda ka qaado shacabka.

“Waxay ahayd in howshan ay galaan shaqsiyaad ka hooseeya safiirka sida qunsulka, ku-xigeenka, xogheenada iyo saraakiisha kale, laakiin safiir howshiisu tahay diblomaasiyad ma ahayn inuu arrimahan ku lug yeesho, weliba kaaga sii daran’e in codkiisa uu meelaha soo dhigo waa qalad anshaxa oo aad u weyn,” waxaa sidaas yiri mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin.

“Tan kale, in safiirku dadka yiraahdo lacagta kusoo shubo akoonada safaaradda waxaa ka dhallan kara in macno qaldan laga bixiyo, waxay ahayd in dadka soo baxaya iyo shirkadda diyaaradda in la isku xiro oo toos ay tiket-ka uga goostaan, sida ay sameysay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho,” ayuu yiri.

Ma cadda tallaabada ay qaadi doonaan madaxtooyada iyo wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, balse waxaa la sheegay in madaxweynaha oo safiirka ay aad isugu dhow yihiin uu arrintan aad uga xumaaday.

Hoos ka dhageyso codka safiirka