CODEYN: Yaad u dooran madaxweynaha Galmudug?

Maadaama ay kordheen musharaxiinta u tartamaya hoggaanka Galmudug, Shabakada somalielections.com ayaa soo saartay xog uruurin shacabka Soomaaliyeed fursad loo siinayo in ay qaabka online ka ah ku codeeyaan isla markaana ku muujiyaan dareenkooda shaqsiga ay isleeyihiin wuu ku habboon yahay qabashada hoggaanka Galmudug.

Si looga hortago in la musuqmaasuqo doorashada, waa muhiim in shacabka leeyahay cod isla markaana qofka qabanaya ama la is  leeyahay wuu ku guuleysan karaan doorashada uu ku yimaado rabitaanka shacabka, waa hubaal in xildhibaano gaar ah ay dooran doonaan hoggaanka, balse waxaa muhiim ah in la tixgeliyo rabitaanka shacabka.

Somali Election & Caasimada Online waxay u istaagteen in ay siisaan fursad shacabka ay ku muujiyaan shucuurtooda kuna dhiibtaan codkooda iyagoo isticmaalya aalad ay ku dooran karaan shaqsiga ay u arkaan in uu ku habboon yahay qabashada xilka hoggaanka Galmudug. Natiijada kasoo baxdo codeynta onlinka ah, waxaan idiin soo gudbin doonaa maalinta Jimcaha ee ay taariikhdu tahay bisha September ay tahay 13, 2019.

Halka hoose ka codee (RIIX)