Codka Haweeney oo laga dhexmaqlayo burburka dhismayaasha iyo meydad hor leh oo la helay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka Hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in meydad cusub laga soo saaray Dhismayaasha ku burburay Qaraxii musiibada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Waxaa Maalintii labaad weli soco gurmad lagu baadi goobayo meydadka iyo dhaawacyadii ka dhashay qaraxii xooganaa ee lala eegtay Masaakiin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, waxaana  lasoo sheegayaa in Illaa saddex Meyd laga soo saaray jaamacad ku taal dhabarka dambe ee Hotelka safaari.

Sidoo kale waxaa meydad laga helay Masaajid ku dhex yaalay Hotel Safari kadib markii uu burburay dhammaan hotelkaas oo ay ku naf baxeyn dad aad u badan.

Sidoo kale waxaa lasoo helay laba qof oo meyd ah oo ku dhex jiray Dhismaha Xarunta Bisha Cas ee Isgoyska Zoobe oo gebi ahaanba burburtay, waxaana loo maleenayaa inay yihiin labadii qof ee ka tirsanaa Hey’adaas  ee la la’aa.

Wariye ka tirsan Idaacada Kulmiye ayaa sheegaya inuu la baadigoobay hal qof oo ku dhex jira dhismaha bur buray ee agagaarka Hotelka Safaari, waa qof haweeney ah, koox qubaro ah oo ka qeyb qaadanaya baadigoobka ayaa codkeeda oo aad u yar dhageysanaya, iyagoo adeegsanaya qalab, waxaana adag in si fudud loo ogaado halka ay ku jirto.

Dadka Goobjoogayaasha ah ee halkaas ku sugan ayaa sheegayo inay weli cagaf Cagafta  wado baaritaan iyo inay faagto dhaxgaanta iyo dhismaha burburay si loo ogaado haddii ay dad weli ku dhex jiraan, waxayna howshaas u socotaa si taxadar leh oo laga ilaalinayo inay dhibaato kale ka dhalato.

Baaritaanka iyo Gurmadka halkaas ka socdo ayaa wuxuu sii marayaa 2 maalin, waxayna arrintaan muujineysaa in wixii ka dhacay halkaas ay ahaayeen wax aan horey looga arag Magaalada Muqdisho