Hargeysa (Caasimada Online) – Wariye hore Cabdimaalik Muuse Coldoon oo hadda ah Samafale caan ka ah bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ayaa maanta xabsiga laga sii dayay, kadib mudo uu ku xirnaa magaalada Hargeysa.
Coldoon ayaa saacado kahor dib u helay xoriyadiisa, kadib dadaallo ay sameeyeen waxgaradka oo uu ugu horreeyo Suldaan Yuusuf Muxumed.
Samafale Coldoon oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay soo deyntiisa, wuxuuna u mahad-celiyay dhamaaan dhinacyadii ka qayb-qaatay
“Waxa aan hadda ka soo baxay xabsi aan ku jiray muddo 73 maalmood ah. Mahad oo dhan Allaah baa is ka leh. Waxa aan si weyn ugu mahadnqayaa suldaankayga Suldaan Yuusuf Muxumed Xeeray oo si hagar la’aan ah uga shaqeeyey in aan xorriyadayda helo” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdimaalik.
Coldoon ayaa xabsiga kahor laga qabtay magaalada Berbera, isaga oo markaas safar uga soo baxsaday magaalada Burco oo uu degan yahay, wuuuna xilligaas sheegay inuu helay war sheegaya in la doonayo in la xiro, ugu dambeyna sidaas ugu gacan Booliska Somaliland oo hadda sii daayay.
Cabdimaalik Muuse Coldoon waxa hore loogu xiray eedo la xiriira magac-dil iyo faafin been abuur ah oo la sheegay inuu u geystay Iskuulka Abaarso iyo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Eedahaas oo marna lagu xukumay, marna lagu waayay.
Colaadda u dhaxaysa Coldoon iyo xukuumadda Somaliland ayaa bilaabantay sannadkii 2017, xilligaa oo uu taageero u muujiyay madaxweynihii Soomaaliya ee la doortay, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, isagoo markaa ahaa saxafi.
Taageeradaas kadib, waxa uu bartilmaameed u noqday xukuumadda Somaliland, taasoo keentay in marar kala duwan la xiro.
Si kastaba, sii deyntiisa hadda imaaneysa, iyada oo Somaliland haatan ay ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay aqoonsiga ay ka heleen Israa’iil oo ay ka hor yimaadeen qaar kamid ah culimada deegaanka oo iyana lasoo xir-xiray.

