Dhageyso: Cosoble oo arrin xasaasi ah kasoo saaray qorshaha horumarinta qaran ee shirka London

Muqdisho (Caasimadda Online) – 11 Bishaan waxaa Magaalada London ee Caasimadda Ingiriiska ka furmi doono shir looga hadli doono arrimaha Soomaaliya kaasoo ay ka qeyb geli doonaan dowladda dhexe iyo dhammaan maamul Goboleedyada dalka ka jiro.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in ay iska diideen Qorshaha Hormarinta Qaranka oo dhowaan ka dhacaya Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Waxa uu ku sheegay sababta ay u diideen in ay tahay Hirshabeelle in aysan jirin Qorshahan markii la sameynayay, taasina ay ku diideen.

Wuxuu sidoo kale sheegay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle in ay jiraan dad xasdaya Hirshabeelle, lagana xigsado Maamulada kale ee dalka ka jiraan .

Madaxeyne Cosoble ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle lagu haayo faquuq gooni ah loona diidan yahay horumar inuu sameey, hayeeshee taas aysan marnaba qaadan doonin

Hadalkaan wuxuu imaanaya kadib markii  Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble uu dib ugu laabtay Magaalada Jowhar oo uu todobaayadii la soo dhaafay kaga soo maqnaa Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET