Beledweyne (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa kala diray maamulkii Gobolka Hiiraan.
Wasiir Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Hirshabeelle Mahad Xasan Cusmaan ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llahi Cosoble uu kala diray Maamulkii Gobalka Hiiraan ee Soomaaliya.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Amniga Axmed Inji iyo xubno kale oo ka mid ah maamulka gobolka Hiiraan.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in xilka looga qaaday Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Gudoomiye Ku Xigeynka Dhinaca Amniga Axmed Inji iyo qaar kale oo xubnaha Maamulka ka mid ah.
lama oga ilaa hadda Sababta keentay Xil ka qaadista Maamulka Gobalka Hiiraan Balse arintaan ayaa ku soo aadeyso iyadoo Gobalka Hiiraan ay ka jirto Dagaal beeleed ragaadiyay Magaalooyinka Gobalka Qaarkood.
Gudoomiyaha gobalka ayaa loo magacaabay mudane Cumar Ibraahim Aadan Baadiyow
Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasasa mudane Maslax Maxamed Cismaan
Gudoomiye ku xigeenka maamulka mudane Cabdirashiid Sheekh Cali
Gudoomiye ku xigeenka maaliyada mudane Khaalid Bashiir
Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Sheekh Xuseen
Xoghayaha gobalka Cabdulledule Nuur Guure
Gudoomiyaha dagmada mudane Aadan Axmed Xeyfe
Duqa magaalada baladwayne cali dhuux mahadlale
Gudoomiye ku xigeenka Matabaan Mudane Faarax Nuur
Xoogaa kadib ayaan Inshaa Allah idinla wadaagi doonaa Degreetada kasoo baxday Madaxweynaha Hirshabelle Cosoble.
Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com