MAXKAMAD go’aamisay lahaanshaha Universal TV: Bariyow mise Axmedey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo  muddo dheer baafineysay Axmed Abuubakar Mubaarak ayaa cadeysay in Cabdiqaadir Maxamed Aadan uu Milkigiisa leeyahay Telefishinka Universal oo ay xaruntiisa tahay Magaalada London.

Dacwadaan oo Ilaa iyo 3 Sano ka socotay dalka dibad- iyo gudahiisaba ayaa waxey u egtahay mid soo afjarantay.

“Maxkamadda waxey cadeyneysa in C/qaadir Maxamed Aadan uu leeyahay Milkiyadda Tv-ga Universal, kadib markii Maxkamadda losoo gudbiyay dokumeniyo cadeynaya” – Ayaa lagu Qoray Warqadda kasoo baxday Gudoomiyaha Maxkamadda oo Keydmedia Online hortaala.

Cabdiqaadir Maxamed Aadan (Baariyow) ayaa sheeganaya Lahaanshaha Universal TV, waxaana Qareen u ahaa ninka loo Xukmiyey Telefishinka Avv Xaawo Xaaji Sabriye.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo gal dacwadeedku ka furnaa ayaa dhawr jeer looga yeeray Axmed Abuubakar Mubaarak, balse arrintaas waa uu ka dhega adkeyay, waxayna dacwaddu u gudubtey Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, oo iyaguna dhawr jeer u yeeray.

Maxkamadda ayaa hada awood u leh xiritaanka dhamaan Xafiisyadda Universal TV ee Soomaaliya.

un 1un 2un 3

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com