Barre Hiiraale oo jawaab kulul bixiyey

Iyaddoo guud ahaan dalka Soomaaliya xalay looga debaaldegayey maalinta xornimada koonfurta Soomaaliya iyo midowga labada gobol ee Koonfur iyo Waqooyi ee isku noqday Dalka Soomaaliya ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay madaxda maamulada Soomaalida iyo jabhadaha kula jira dagaalka maamuladaasi.

Col, Barre Hiiraale oo iminka ku sugan magaalada Goobweyn oo wax badan ka fogeyn magaalada Kismaayo ayaa xalay halkaasi kula hadlay ciidankiisa iyo shacabka magaaladaasi deggan, isagoona sheegay muhiimadda ay leedahay maalmaha xornimada iyo dayaca dalka Soomaaliya hadda ka muuqda inaysan is qaadan karin.

“1-da luuliyo waa xornimadii koonfurta Soomaaliya iyo midowgii labada gobol ee xorta ahaa. Haddaba maanta xornimadii iyo midnimadii midna ma la hayaa? waxaan filayaa inay jawaabta noqoneyso lama hayo, mana muuqato waddo lagu soo celin karo midnimadii iyo xornimadii dalka” ayuu yiri Col, Barre Hiiraale.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in shacabka Jubbooyinka gaar ahaan kan Kismaayo ay dagaal fool xun ku hayaan koox uu sheegay inuu hoggaamiyo Ahmed Madoobe iyo ciidanka Kenya oo dano ay leedahay ka wadata gobollada Jubbooyinka. Balse uu sheegay inuu dhankiisa dagaal jihooyin badan ah ku qaadi doono dhawaan.

” Bil barakeysan oo Ramadan ah ayaan ku jirnaa, waxaana rajeynayaa bishan oo kale camalka la sameeyo inuu yahay mid qiimo badan, sidaasi darteed ayaan shacabka gumeysiga lagu hayo ee Kismaayo iyo Jubbooyinka kale ku nool u dirayaa farriin ah inay xor noqon doonaan dhawaan” ayuu yiri Col, Barre Hiiraale oo intaasi raaciyey :

” Ahmed Madoobe iyo dabadhilifka reer Puntland ee dabada ka riixaya waxaan u rajeynayaa in nabad aysan ku seexan doonin dhawaan oo ay ka qoomameyn doonaan duulaanka qabiileysan iyo garabka ay uga helayaan Kenya oo jabisay sharciga AMISOM, maxaa yeelay dadka deegaanka ayaa guushu ku danbeyn doonta” ayuu yiri Col, Barre Hiiraale.
Guddoomiyaha gollaha midnimada iyo nabada Jubbooyinka Barre Hiiraale ayaa eedeyn kulul usoo jeediyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed oo markii uu xilkaasi qabtay wax ka yar lix bilood gobollada dalka oo dhan ka dhaliyey dagaalo sokeeye. Waxaana uu sheegay in fidnadii uu ka shiday Kismaayo inuu haddana kusii ballaariyey magaalooyinka Baydhabo, Marka iyo Muqdisho ilaa wasiiradiisa qaar ka mid ah ka horyimaadaan xumaanta uu waddo.

“Ra’iisul wasaaronimo waxaan sixinayaa xaal, maxaa yeelay Abdiweli Shiikh Ahmed oo kale ayaa xilkaasi sheeganaya isaga oo u dhaqmaya si aysan xitaa ku fakarin caruurta labada sano jirta. Dagaalo sokeeye ayuu dalka dib ugu celiyey oo Kismaayo, Baydhabo, Marka iyo Muqdisho gadoodka ka jira waxaa cirka ku sii shareeray waa ninkaasi. Waxaana leeyahay ujeedka Ahmed Madoobe dartiis haddii ay halkaasi ku gaarsiisay meel xun ayey kula tegi doontaa.” ayuu yiri Col, Barre Hiiraale.

Hadalka Barre Hiiraale ayaa yimid kadib markii baryihii danbe ay magaalada Kismaayo ku sugnaayeen wafdi wasiiro ah oo ka tirsan Puntland kuwaasi oo xalinta khilaaf soo kala dhexgalay maamulka Ahmed Madoobe iyo maleeshiyaadka beesha Harti u yimid, kuna hanjabay inay tallaabo ka qaadayaan Barre haddii uusan la heshiin Axmed Madoobe

Abdiweli Shiikh Ahmed oo kursiga Ra’iisul wasaaraha ku fadhiya lix bilood ayaa dalka Soomaaliya intisa badan waxaa ka curtay dagaalo sokeeya kuwaasi oo uu qeyb ku leeyahay bilaabashadiisa, sidoo kalana uu dhaqaalo xoogan ku bixiyo qaar ka mid ah garabyada iska soo horjeeda. Tusaale waxaa uu si aan gabasho laheyn u taageeraa maamulka Ahmed Madoobe oo dil iyo barakicin ka wada Kismaayo. Baydhabo labadii maamul ee laga dhisay mid ayuu si indha la’aan ah isagana ku taageeray waliba uu dan ku sii shiday dagaalkii Shabeelaha hoose ka oognaa.

Warar iminka soo baxaya ayaa sheegaya in baarlamaanka dhawaan u yeeri doonaan Ra’iisul wasaare Abdiweli Shiikh Ahmed si wax looga weydiiyo qaladaadka ay xukuumadiisa gashay iyo dib u curashada dagaalada sokeeye.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com