Gen. Muungaab oo ballanqaad muhiim ah u fidiyay wasaarad ka mid ah DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Jeneraal Xasan Xuseen Muungaab ayaa sheegay in maamulkiisa uu soo celin doono Isbitaaladii ay maamuli jirtay dowladda gaar ahaan wasaaradda caafimaadka.

Muungaab oo kulan la qaatay madaxda wasaaradda caafimaadka ayaa sheegay in gacanta dowladda la soo galin doono Isbitaal kasta oo ku yaalla magaalada oo ay maamuli jirtay wasaaradda caafimaadka.

Wuxuu sheegay oo kale in maamulkiisa uusan oggolaan doonin in weli Isbitaalada danta guud ee ku yaalla dalka ay weli sii maamulaan shakhsiyaad gaar ah, sidda uu hadalka u dhigay.

“Isbitaal kasta oo ahaa dan guud, waxaa lagu wareejin doonaa wasaaradda caafimaadka maadama ayada ay maamuleysay” ayuu yiri Muungaab.

Muungaab ayaa ku hanjabay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo xoog ku heesta dhismo uusan lahayn oo ku yaalla caasimada.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa horey u sheegay in aan loo sii dul qaadan doonin ay jiraan dad xoog ku heesta guryo ay dad kale lee yihiin, waxaana dhacday in guryo badan oo xoog lagu heestay in lagu soo celiyay gancanta dadkii lahaa.

Maamulka gobalka Banaadir ayaa wada dedaalo xooggan oo uu ku doonayo siddii loo baabi’n lahaa hannaanka xoogga guryaha gaarka ah iyo kuwa danta guud loogu heestay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com