C/qaasim Salaad oo si kulul uga hadlay dagaal beeleedka Shabeellada Hoose

Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleedyada gobolka Shabeellaha Hoose iyo guud ahaan daglka Soomaaliya.

Cabdi Qaasim, ayaa talooyiin ka bixiyay qaabka lagu xalin karo xiisadaha dagaal iyo kala fogaanshaha ka dhextaagan madaxda ugu sareyso dalka Soomaaliya.

Madaxweyne C/qaasim Salaad ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay in hal door ay isugu geyso hanaanka loo dhameyn karo dhibaatooyinka heysta shacabka Soomaaliyeed.

C/qaasim ayaa sheegay in madaxweynaha dalka, ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya loo baahan yahay inay hal meel isugu geeyaan dadaalkooda ku aadan dib u hishiisiinta dalka Soomaaliya.

“Madaxweynaha, Golaha Wasiirada iyo Ra’iisul Wasaaraha shaqooyinkooda waa inay u badiyaan oo xooga saaraan dib uheshiisiinta shacabka Soomaaliyeed geed in la isugu keeno ayaa la raba dadka oo la wadahadal siiyo Ilaaheey hala baryo dalka dhibaato ayuu ka bixi la’yahay Markasta Alle Bariga waa Muhiim”Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka C/qaasim Salaad Xasan.

Mushkilada ugu weyn ee ka taagan dalka ayuu  Madaxweyne C/qaasim ku sheegay inay tahay qabaa’ilka kala fogeeyay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna kula taliyay madaxda dalka inay arintaasi dhameeyaan oo ay hal meel ku wada mashquulaan.

Ugu dambeyn C/qaasim Salaad Xasan, ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay qaadan karaan doorka ugu muhiimsan ee dib u hishiisiinta beelaha ku dagaalamaya Shabeelaha Hoose iyo  guud ahaan Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com