Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo bartamihii April, tirada dadka laga helayo shan cudur oo faafa ah ayaa si weyn kor ugu kacday gudaha Soomaaliya, kaddib markii hoos u dhac ku yimid gargaarka bani’aadannimo oo sababay in boqolaal xarumo caafimaad ah la xiro.
Hay’adda Save the Children ayaa sheegtay in xaaladdan ay si gaar ah u taabatay carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano, kuwaas oo hadda ah qiyaastii 60% dadka cudurradu haleeleen.
Cudurrada sida jadeecada, difteeriyada, xiiqdheerta, shuban-biyoodka, iyo infekshannada neef-mareenka ayaa kordhay, iyadoo kiisaskooda guud ay ka bateen 22,600 una gudbeen in ka badan 46,000 tan iyo bishii Abriil.
Diiwaan-gelinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa muujisay in toddobaadkii la soo dhaafay kaliya la xaqiijiyay 357 kiis oo cusub oo ah cudurro la iska hortagi karo, kuwaas oo badankood haleelay carruurta da’da yar.
Sanadkan oo kali ah, waxaa la diiwaan-geliyay 6,267 kiis oo looga shakisan yahay shuban-biyood, kuwaasoo 60% ay yihiin carruur ka yar shan sano jir. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan siddeed qof oo u geeriyooday cudurkan.
Hay’adda Save the Children ayaa sheegtay in cudurradan faafa ay si daran ugu fidayaan xeryaha barakacayaasha, halkaas oo ay ka jiraan duruufo adag sida ciriiri, nafaqo-xumo iyo helitaan la’aan adeegyo caafimaad.
Xarumo badan oo muhiim u ahaa tallaalka, daaweynta iyo wacyigelinta bulshada ayaa xirmay, iyadoo lagu qiyaasay in ku dhowaad 55,000 oo carruur ah ay lumin doonaan adeegyada nafaqada ee nolosha badbaadiya, kaddib xiritaanka saddex meelood meel xarumihii ay Save the Children maamuli jirtay.
Maxamuud Maxamed Xasan, Agaasimaha Guud ee hay’adda Save the Children ee Soomaaliya, ayaa sheegay in xaaladdan ay muujinayso sida gargaarka la’aantu si toos ah u saameyneyso nolosha carruurta.
Wuxuu xusay in carruur horay ugu geeriyootay cudurro la daaweyn jiray, taasoo markhaati u ah baahida degdegga ah ee dib loogu soo celinayo gargaarka.
Save the Children ayaa ugu baaqday caalamka in uu si deg-deg ah u maalgeliyo nidaamka caafimaadka Soomaaliya, iyadoo lagu baraarujinayo muhiimadda tallaalka, la socodka cudurrada faafa, iyo helitaanka adeegyo caafimaad oo aas-aasi ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurrada halista ah, loogana hortago dhibaato sii fida.

