Culimada oo dalab degdeg ah u diray dowladda Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday Muqdisho oo lasoo geba-gebeeyey ayaa waxa dalab degdeg ah loogu diray dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Culimada oo shalay qoraal dheer kasoo saaray shirkooda ayaa waxay dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbadeen inay si degdeg ah u dhameystirto diyaarinta hanaankii iyo sharcigii lagu dhisi lahaa Golaha ee culimada Soomaaliyeed.

Golahan ayay culimada ku sheegeen in uu noqonayo “weelkii lagu ilaalin lahaa Diinta” islamarkaana wuxuu kamid noqonaya goleyaasha dowladda, kaasi oo u madax-banaan gudashada waajibaadka iyo howlaha loo igmado.

“Dhismaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed iyada oo laga dhigayo hay’ad ka mid ah hay’adaha dawlada oo leh xeer la marsiinayo habraacyada dastuuriga oo ku saleysan la tashiyada qayb ka kala yimid culimada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay culimada.

“Shirweynaha wuxuu isku waafaqay in ku dhaqanka Shareecada Islaamka gaar ahaan fiqiga uu gundhig u noqonayo mad-habka Shaaficiga kaas oo culimadu isku raacsan yihiin in uu taariikh fog ku leeyahay gayiga Soomaaliyeed iyada oo madaahibta kale ee Sunniga ah laga faa’ideysan karo marka ay baahi timaado.”

Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo asagu lahaa soo jeedinta shirweynaha culimada Sooamaaliyeed, ayaa waxa uu dadaal badan ku bixinayay tan iyo markii la doortay dhismaha gole sare oo Islaami ah, taasi oo xiligaan si dhab ah loo dhaqaajinayo.

Xasan ayaa qaba in Al-Shabaab aan looga adkaan karin militari ahaan oo kaliya balse ay qasab tahay in dhanka fikirka lagala dagaalamo, waxaana hadda muuqata in Shabaab ay furimo kale ku furmeen.