R/W XAMZA oo banaanka keenay caqabado dowladda ay ka wajaheyso qabiilka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa markii u horeysay ka hadlay caqabadaha ay dowladda ka wajaheyso qabiilka, isaga oo ka dalbaday culimada Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan kor uqaadista wacyiga dowladeed ee bulshada.

Xamza ayaa sheegay in qabiilka uu hortaagan yahay qiimihii uu waddanka yeelan lahaa, islamarkaana uu dhibaato ku hayo maadama mararka badan qabiil ahaan lagu difaaco dadka ay tahay in umadda laga qabto.

“Qabiilku waa muhiim laakiin dhibaato ayuu ku hayaa dalka, oo tuuga lama cayrin karo saf ayaa lasoo galaya odeygii, sheekhii, xildhibaankii iyo wasiirkii wey difaacayaan tuuga xataa hadduu Shabaab yahay,” ayuu yiri.

“Waad ogtihiin waxa ka socda meelahaas la qabtay, anaga dirsanay oo Shabaabka noogu dhex jir oo dadka nooga soo qabqabo ayaa dhahnay, haddana iyagii ayuu laynayaa oo waa isqarxinayaa. In aan isku dhex wadno ayaa rabnaa, tab aan iskugu wadno in aan helno waaye maadama halkan ay yihiin dadkii wax tarbiyadeeynayay.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in qabiilka uusan meeshiisa soo dhaafin oo halkiisa-na lagu hayo, ayada oo dadka la jeclaysiinayo dowladda iyo dalka.

“Waa in dowladnimada iyo dalka la jeclaysiiyo dadka oo tarbiyada ay gasho oo masaajidka ay gasho waaye. Waxaa u baahanahay in arrimahaan culimadeena ay dib u eegto.”

Xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo raaceysa siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ugu jirta dib u qaabeynta dowladda iyo sidii dalkaan looga ciribtiri lahaa kooxda Shabaab.

Si kastaba, hadalkaan ayaa imanaya, xilli ay dowladda wado qorshe lagu rabo in dalka uu yeesho Gole Sare oo marjac noqda, kaasi oo ay ku mideysan yihiin Culimada Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay shirweyne ku yeeshay magaalada Muqdisho.