Dowladda Soomaaliya oo si ka duwan Mareykanka uga hadashay dilka Bilal al-Sudani

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay howl-gal ay ciidamada howl-galada gaarka ah ee Mareykanka ku dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabi jiray Bilal al-Sudani.

Al-Sudani ayaa waxaa lala dilay 10 argagixiso oo kale kadib howl-gal ka dhacay waqooyiga Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Mareykanka.

La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali oo la hadlay VOA ayaa si weyn usoo dhaweeyay dilka al-Sudani, basle wuxuu hoos u dhigay khatar uu Mareykanka ka muujiyay kooxda Daacish.

“Faahfaahin badan lagama hayo, ka dowladda Soomaaliyeed waa arrin aan aad usoo dhaweynayno in kooxaha argagixisada hoggaankooda madaxa laga guro intii dhalinyarada iyagu dabka ku shidayaan ee noqon lahaayeen kuwa dhimanaya,” ayuu yiri.

“Dabcan, Daacish saameyn ahaan Soomaaliya kuma awood badna laakiin waa koox marwalba khatarteedu soo weynan kartay, isaga qof madaxdooda kamid ah ayuu ahaa laakiin tabar weyn oo ku ogeyn Daacish oo hadda Soomaaliya khatar ah oo laga dareemayay majirin.”

Howl-galkan oo dhacay Arbacadii ayaa lagu beegsaday Bilal al-Sudani, oo u dhashay dalka Sudan islamarkaana kooxda u qaabilsanaa dhanka maaliyadda, islamarkaana ku dhuumanayey meel buuraley ah.

“Tallaabadan waxa ay Maraykanka iyo saaxiibadiisa ka dhigeysaa kuwo amaman ah, waxayna ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay inaan Mareykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo dibadda,” waxaa sidaas yiri xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin oo bayaan soo saaray.

Al-Sudani ayaa markii hore lagu daray liiska argagixisada ee Waaxda Maaliyadda 2012-kii doorkii uu ku lahaa Al-Shabaab darteed.

Wuxuu ka caawiyay dagaalyahannada ajnabiga ah inay u safraan xero tababar oo Al-Shabaab ay leedahay, wuxuuna fududeeyay maalgelinta xagjiriinta rabshadaha ka wada Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden.

Saraakiisha Mareykanka ayaa faah-faahin kooban un ka bixiyay sida uu howlgalka u dhacay iyo xaaladihii ku xeernaa dilka Al-Sudani.