Xog: Somaliland oo dhaq dhaqaaq cusub ka billowday magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa dhaq-dhaqaaqyo cusub ka billowday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaasi oo uu ka furmayo shirka aaya-ka-tashiga beelaha SSC.

Somaliland ayaa ciidamo horleh soo dhoobtay nawaaxiga Laascaanood, halkaasi oo markii hore ay ku sugnaayeen ciidamo kooban, waxaana ujeedka lagu sheegay xoojinta amaanka guud ee magaalada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamada dheeraadka ah ee gaaray Laascaanood ay markii hore waxa uu fadhigooda ahaa duleedka deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag, oo ay soo faarujiyeen.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa ku soo aadaya, xilli lagu wado in uu maalmaha soo socda Laascaanood ka furmo shirka aaya-ka-tashiga beelaha SSC.

Somaliland ayaa hore u sheegtay in ay sugeyso amniga shirwaynaha beelaha gobolku ay Laascaanood ku yeelanayaan iyo ka guud ee magaalada, ayada oo banaanka usoo baxeen in garaadada shirkaan ka qeyb-galaya ay wataan ciidamo badan oo hubeysan.

Garaad Jaamac oo kamid ah Garaadyada kasoo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland ayaa waxa Isniintii si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Garaadkan ayaa waxaa magaalada ugu dambeysay sanadkii 2007-dii, xilligaasi oo gacan ku haynta Laascaanood ay la wareegtay xukuumadda Somaliland, waxayna soo dhawayntiisu noqotay middii abid ugu ballaarneyd ee ka dhacda Laascaanood, iyada oo kumanaan shacab ah oo sita calanka Soomaaliya ay soo buux dhaafiyeen waddooyinka gudaha magaalada.

Isniintii ayaa waxay reer Laascaanood muujiyeen in aysan raali ka ahayn in mardambe laga maamulo Hargeysa, islamarkaana ay raalli ka ahaan doonin in Soomaaliya la kala gooyo.