Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka socda dalka.
Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in waxa socda aan la dhihi karin doorasho, wuxuuna ku tilmaamay xulusho ay sameynayaan dadka mas’uulka ka ah doorashada.
Sidoo kale wuxuu xusay in aysan eed la aheyn xildhibaanada soo baxay, marka laga reebo tiro kooban oo uu sheegay in loo heesto dambiyo kala duwan, sida uu hadalka u dhigay.
”Horta dadka doorashada kusoo baxay waa dad waqti badan dalka soo joogay oo xaaladda la socda eedna kuma lahan in kursiga loo boobay ee kii u boobay ayaa loo heystaa, waxaa jira dad eedo kala duwan loo heysto oo Baarlamaanka ku jira waase kooban yihiin,” ayuu yiri.
Siyaasiga Cumar Cabdirashiid ayaa eeda dhabarka u saaray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, isaga oo ku eedeeyey inay boobeen kuraasta Golaha Shacabka.
Dhinaca kale wuxuu Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake xusay in xildhibaannada soo baxay ay hagi doonto hadba tallaabooyinka ay qaadaan oo ay ugu horreeyso doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Doorashada Soomaaliya ayaa qaadatay muddo ka badan hal sano, waxaana haatan qorshaha uu yahay in lagu soo gaba-gabeeyo 15-ka bishan March ee sanadka 2022-ka.