Itoobiya oo QM u gudbisay MOWQIFKEEDA ku aadan doorashooyinka Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya ahna wasiirka arrimaha dibadda, Demeke Mekonnen ayaa markii u horeysay arrimaha Soomaaliya wada-hadal kala yeeshay Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Labada dhinac ayaa ugu horeyntii ka wada-hadlay doorashada Soomaaliya, ayada oo Demeke Mekonnen uu sheegay Ergayga gaarka ah in Itoobiya si dhaw ula socoto doorashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa bogaadiyay hanaanka ay ku socoto doorashada Soomaaliya, asaga oo sheegay in xukuumadiisu ay ku faraxsan tahay sida ay wax u socdaan.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada-hadlay dib u habeynta ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo baahida loo qabo in laga hortago weerarada kooxda Al-Shabaab.

Demeke ayaa sheegay in wada-shaqeyntu ay lama huraan u tahay si looga hortago isku dayga kooxda Al-Shabaab ee ku aadan ka faa’iideysiga xaalada taagan, oo ay kamid yihiin arrimaha doorashada Soomaaliya iyo abaaraha ka jira deegaanka.

Ugu dambeyntiina waxay labada dhinac diirada saareen dib u habeynta ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo doorka dowladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.