Lafta Gareen oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyey

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dolwad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo wareegto cusub soo saaray ayaa sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis.

Lafta Gareen ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Maxamed Cabdiraxiin Nuur, isaga oo magacaabay mid kale oo cusub.

Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa markii 3-aad loo magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo haatan ahaa wasiirka dhalinyada iyo ciyaaraha K/ Galbeed.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Maxamed Cabdiraxiin ayaa haatan ku maqan dalka dibaddiisa, wuxuuna xilka hayey muddo kooban.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday guddoomiyihii hore, waxaase wareegtada lagu sheegay inay muhiimaddu tahay dardargelinta howlaha maamulka.

Isbeddalka lagu sameeyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa marar badan soo noq-noqday, waxaana muddo sanad ka yar isku illaa beddalay saddex guddoomiye oo kala ah Najax, Siidii iyo Maxamed Cabdiraxiin Nuur oo haatan xilka laga qaaday.

Shabeelaha Hoose oo ah gobol ballaaran, islamarkaana caan ku ah wax soo saarka beeraha ayaa la ciir ciiraya dhibaatooyin isbiirsaday, waxaana ugu daran howlgallada  Al-Shabaab.