Soomaaliya oo taageertay dhinac ka mid ah dagaalka Ruushka iyo Ukraine

New York (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka mid noqday 141 waddan oo ka tirsan dunida oo u codeeyey qaraar cambaaraynaya duullaanka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

Cod-bixinta ayaa maanta dhacday xilli uu kulan khaas ah yeeshay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wadamada kale ee qaraarkaasi taageeray waxaa ka mid ah Mareykanka, dalalka ku bahoobay ururka Midowga Yurub iyo kuwo kale oo ka tirsan qaaradda Asia.

Qaraarka waxaa ka soo horjeestay shan waddan oo kala ah Ruushka, Eritrea, Syria, Waqooyiga Kuuriya iyo Belarus. Sidoo kale waxaa ka aamusaya 35 waddan.

Qaraarka ayaa ku baaqaya in dowladda Ruushku ay joojiso gulufka milatari ee dalka Ukraine ay ka waddo, isla markaana ay ciidamadeeda kala baxdo dalkaas, sida ay tebisay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Dowladda Ruushka ayaa Jimcihii codka qayaxan ee veto saartay qaraar kan lamid ah oo la horkeenay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dagaalka ayaa socda mudo hal todobaad ah, welina Ruushku ma gaarin hadafkiisa ah inuu afgembiyo dowladda Ukraine, bayaan ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka waxaa lagu soo bandhigay tirada askarta looga dilay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalka ka socda Ukraine.

498 oo askari, ayey Moscow shaacisay in dagaalka looga dilay, halka 1,597 kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale warka soo baxay Ruushka waxaa lagu sheegay in Ukraine dagaalka looga 2,870 qof oo isugu jira ciidanka iyo shacabka reer Ukraine, sidoo kalena la dhaawacay 3,700 oo qof oo kale.