Ruushka oo qirtay khasaare aad u culus – Imisa boqol ayaa looga dilay UKRAINE?

Moscow (Caasimada Online)- Wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Ruushka ayaa soo saartay warbixin ay ku shaacisay tirada ciidanka looga dilay dagaalka halka todobaad ka socda wadanka Ukraine.

Bayaanka wasaaradda waxaa lagu sheegay in ciidanka Ruushka dagaalka looga dilay 498 oo askari, halka 1,597 kalena ay ku dhaawacmeen.

Khasaaraha ay qiratay dowladda Ruushka waxuu ciidankeeda gaaray tan iyo Khimiistii lasoo dhaafay markii uu gudaha Ukraine ka bilaawday duulaanka Moscow.

Wakaaladda wararka Ruushka ee RIA oo soo xiganeysa wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa baahisay in ciidamada Ruushka ay dagaalka ku dileen 2,870 qof oo isugu jira ciidanka iyo shacabka reer Ukraine, sidoo kalena la dhaawacay 3,700 oo qof oo kale.

Ma jiro wax war ah oo dowladda la weeraray ee Ukraine ay ka soo saartay khasaaraha rasmiga ah ee shacabka iyo ciidankeeda ka soo gaaray dagaalka todobada maalmood ay kula jireen ciidanka Ruushka.

Arbacadii maanta dadka reer Ukraine ayaa warbaahinta u sheegay inay ku dagaallamayaan dekedda Kherson, oo ku taalla magaaladii ugu horreysay uguna weyn ee Ruushku sheegtay inuu qabsaday, waxaana la soo sheegayaa in Moscow aysan weli si buuxda ugu suurta gelin qabsashada magaaladaas.

Adeega deg-degga ah ee Ukraine, waxuu maanta shaaciyey in ciidamada Ruushka ay dileen in ka badan 2,000 oo rayid ah, isla markaana la burburiyay isbitaallo, xarumo dadweyne iyo guryo, todobaad kadibna weli Moscow kuma guuleysan inay gaarto hadafkeeda ah inay afgembiso dowladda Ukraine.

In ka badan 870,000 oo qof ayaa la sheegay inay ka gudbeen xuduudaha Ukraine, iyagoo u cararaya dalalka deriska ah, Ruushka ayaa wajahaya cunaqabatayn caalami ah oo gilgishay dhaqaalaha dalkiisa, taas oo uu ku muteystay duullaanka Ukraine.