Cumar Cabdirashiid oo fariin culus u diray DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo wareysi siiyey Idaacadda VOA-da ayaa ka hadlay dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha ay geysteen wabiyada Shabelle iyo Jubba ee dalka.

Ugu horreyn wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada iyo xaaladda daran ee ka taagan magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in xilligii uu ahaa Ra’iisul wasaaraha ay dhacday fahaada xoogan, balse aysan la mid ah tan maanta taagan oo saameyn daran ku yeelatay dad badan oo ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Baay.

Ra’iisul wasaarihii ee dalka ayaa kula taliyey dowladda Soomaaliya in ay lacag Deyn ah qaadato, si loogu gurmado, deg degna loogu caawiyo dadka ay saameeyeen fataahadaha hadda ka jira deegaano hoostaga maamullada HirShabelle iyo K/ Galbeed.

Cumar Cabdirashiid ayaa xusay inay muhiim tahay  in dhaqso looga jawaabo saameynta ka dhalatay fatahaadaha, islamarkaana aan la sugin lacagta qaaraanka ah ee soo uruuraya, si loo bad baadiyo nolosha dad badan oo halis ku jirta.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dowladda iyo shacanka Soomaaliyeed ay wadaan dadaallo xoogan oo loogu gurmanayo walaalaha Soomaaliyeed ee dhibaateysan, gaar ahaa kuwa ka barakacay xaafadaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com