Cumar Cabdirashiid oo is-eedeeyay

Somaliya waxay u dhammaatay maalintii dad uu ka mid yahay R/Wasaare Cumar C/rashiid ay xukuumad madax u naqdaan iyo qaar kale oo isaga ka liita oo lagu magacaabay Madaxweyne Gobol. Cumar weli ma garawsan inuu xukuumadda ow edeynaayo isagu madax ka ahaa, wuxuuna isku sifeeyay inuu yahay DAMEERI DHAAN RAACDAY…waana marka qof isku sheegaya siyaasi uu u hadlo sidi qof xukuumadda jirta uusan dowr ku leheyn…wuxuu maqlay dad eedeynaya M/weyne Xasan Sheikh markaasuu iyagi dhinac ka raacay. Cidda eeda loo jeedinaayo waa xukuumadi uu madaxa ka ahaa. Nassib darrada na heysata waxay tahay in uusan weligii dareemin jagada uu ku magacaaban yahay culeyskeeda iyo awoodiisu inta ay gaarsiisan tahay. Waa illowsan yahay in Xasan Sheikh uu u magacaabay jago uusan weligiis ku riyoon oo ah safiir kaddibna R/Wasaare uu mar hore si qatif ah ku helay isagoon u qalmin caqliyan iyo cilmiyan midna.

Ninka noocaas ah ayaa manta raadinaya inuu dalka Madaxweyne ka naqdo, war yaa u sheegi doona in jagadaasi ay tahay mid aysan gaari karin asaga iyo kuwa la wadaaga caqli yarida oo carrabkooda aan ka adkaa Karin..xasuuso xikmaddi ahayd احذر معاشرة من زاد لسانه عن عقله

Oo micnaheedu yahay KA DIGTOONAAW QOF CARRABKIISU KA DHEEREEYO CAQLIGIISA

kuwa kula safan sabab qabiil ama la leh isbaheysi lagu tuhmaayo in uu la sameystay hogaamiye goboleed aad ugu dheereeya khiyaanada qof alla qofkii heshiis la gasha, taasoo ah waxyaabaha uu xariifka ku yahay ninka afduubka ku heysta Baydhabo. Marka aan fiirno hadallada ka soo yeeray Cumar waxaa kuu soo baxaya mustawahiisa aqooneed iyo erayada uu adegsanayo oo ah kuwo god dheer ku ridaya asaga iyo inta uu mathalo. Wuxuu eedeyn la daba kacay ninki isaga siiyay fursad aan hore loo arag oo ahayd safiir iyo R/Wasaare isagoon midkoodna u qalmin sida ka muuqata dhaqankiisa iyo waxa afkiisa ka soo baxaya oo ah wax qof garaad leh uu adegsado kaddib markuu M/weyne Xasan Sheikh uu ugu abaalguday eedeyn iyo wax laga yaaqyaaqsoodo.

Madaxweynaha Koofur Galbeed waxaa loo ballanqaaday in caasimada loo rari doono Baydhabo haddii nin Puntland ka socda ku soo baxo Madaxweyne.. Shariifka ma oga inay isaga kala mid yihiin khiyaanada qof kasta oo mucaahado la gasha.

Waxaa jirta qiimeyn lagu sameeyay murashaxiinta Madaxweyne badankooda waxaana la soo bandhigi doonaa maalmaha soo socda. Qiimeynta waxaa sameeyay dad aqoon gaar ah u leh cilmi nafsiga iyo qiimeynta habdhaqanka ( human behavior analysis) oo si cilmiyeysan u qaadaa dhigi doona siyaasiyiinta manta ku hardamaya hogaanka Somaliya.

WQ: Axmad Calasow