28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Muxuu Jawaari ka yiri doorashooyinka ka socda Dalka?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan caasimadaha Gobolada dalka laga soo afmeeray doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Jawaari ayaa sheegay in doorashada ay wali tahay mid qabyo ah, isla markaana ay wali ka socto magaalada Muqdisho, taa oo lagu soo dooranaayo Xildhibaanada Beelaha dega Gobolada Waqooyi.

Jawaari waxa uu tilmaamay in doorashada ka socta magaalada Muqdisho ee lagu soo dooranaayo Xildhibaanada Beelaha Gobolada Waqooyi ay tahay mid ka duwan kuwa kale, isla markaana aan ka taagneyn dood iyo is qabqabsi.

Jawaari waxa uu sidoo kale sheegay in meel wanaagsan ay marayaan diiwaan gelinta xildhibaanada cusub ee kusoo biiray Baarlamaanka 10-aad.

Hadalka Jawaari ayaa imaanaya xili uu fashil ku imaaday kulankii Koowad ee Baarlamaanka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News