Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Dalka Ceydiid Ilka-xanaf, ayaa ka hadlay Musuqa lagu soo xulaayo xubnaha Aqalka Sare u matali doona Beelaha dega Gobolada Waqooyi.
Ilka-xanaf ayaa sheegay in Khilaaf xoogan uu ka taagan yahay 11-ka xubnood ee Aqalka Sare u meteli lahaa Gobolada Waqooyi, waxa uuna sheegay in xulista ay tahay mid loo maraayo qaab Musuq-maasuq ah.
Ilka-xanaf waxa uu tilmaamay in khilaafka uu ka dhashay xubnaha qaar Aqalka Sare in lagu soo xulay si musuq maasuq ah, oo dano gaar ah laga leeyahay, sida uu hadalka u dhigay Ilka-xanaf.
Ilka-xanaf waxa uu cod dheer ku sheegay in Musuqa iyo Khilaafka ka taagan hanaanka lagu soo xulaayo xubnaha Gobolada Waqooyi u matali lahaa Aqalka Sare ay u gudbiyeen Hogaamiyayaasha Madasha.
”Ma u dulqaadan doono Musuqa lagu xulaayo xubnaha Aqalka Sare u matali lahaa Gobolada Waqooyi arrintaanina waxaan ka keenay dacwad oo aan u gudbinay Hoggaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran oo la filyo maalmaha soo socda in ay shir ku yeeshaan Magaalada Muqdisho”
Ilka-xanaf,waxa uu sheegay in Xubnaha qaar ay naas-nuujinayaan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada uu wakhtiga ka dhamaaday, waxa uuna cadeeyay inay ku qanci doonaan go’aanka ay Madashu ka gaarto Musuqa iyo Khilaafka taagan.
Haddalka Ilka-xanaf ayaa imaanaya iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh lagu eedeeyay hurinta Khilaafka ka dhex aloosan Siyaasiyiinta Somaliland ee loolanka ugu jira 11 kursi ee Aqalka Sare.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

