28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Cumar Dhageey oo ku adkeeyay Puntland iyo kooramka Aqalka Hoose oo caqabad noqday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer Faderaal Cumar Maxamed Cabdulle “Cumar Dhageey” ayaa ka biya diiidan in dib looga laabto go’aanka uu dhawaan kasoo saaray inuu buuxsamay Kooramka Aqalka Hoose.

Cumar Dhageey, ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in Puntland ay keli ku noqoto qaadicida go’aan waliba waxa uuna tilmaamay in maamulka Puntland uu gaar isaga faquuqo maamulada kale.

Cumar Dhageey, waxa uu cadeeyay in Guddiga Doorashooyinka ay ka go’an tahay inay dhaqan galshaan go’aankooda waxa uuna carab dhabay inaan loo joojin doonin cabasho ka imaada maamul gaara.

”Nasiib darro ayay nagu noqoneysaa inaan go’aan ka gaari weyno howsha nalagu aaminay, sidaa darteed waxaa naga go’an inaan ku dhabar adeegno go’aankii ahaa in Kooramka Xildhibaanada Aqalka Hoose uu buuxsamay”

”Puntland waan uga cudur daaraneynaa codsigeeda la xiriira in la dhameystiro kuwa harsan si Kooramka uu u wada dhameystirmo, waxaana ku qancineynaa inaan ka gaabinay mas’uuliyadii na saarneyd”

Cumar Dhageey, ayaa tilmaamay inaysan waxba soo kordhineynin haddii wakhti kale lasiiyo Puntland, waxa uuna ku baaqay in loo soo degdego waxa uu sharciga qabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News