Cumar Filish: Agaasime ila damacsanaa qarax la mid ah kii lagu dilay Yariisow ayaa la qabtay (Daawo Video)

Johannesburg (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish oo la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka South Afrika ayaa shaaca ka qaaday in laga hortagay qarax la mid ah kii lagu dilay Injineer Yariisow oo isaga lala damacsanaa.

Cumar Filish ayaa shaaca ka qaaday in hay’adaha amniga ay qabteen agaasime ka tirsanaa gobolka Banaadir oo qarax ka fulin lahaa xarunta gobolka, kaasi oo markii dambe qirtay qorshihiisa.

Cumar Filish ma auusan shaacin magaca agaasimaha, goorta la qabtay iyo halka uu ku dambeeyey midna.

“Sida aad la socotaan qaraxii gobolka waxaa fulisay agaasime ka shaqeeneysay gobolka, hase yeeshee waxaa markaan aniga xafiiska imid sidoo kale la qabtay agaasime kale oo qorshahaas camal damacsanaa.” Ayuu yiri Cumar Filish.

Qaraxii xarunta gobolka Banaadir oo dhacay 24-kii July ayaa waxaa fulisay gabar araga la’eyd oo loo yaqiin Basiira Cabdi Maxamed, balse magaceeda runta uu ahaa Maryan Cabdi. Basiira ayaa ahayad agaasimaha naafada gobolka Banaadir.

Hoos ka daawo muuqaalka Cumar Filish oo arrintaas ka hadlaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com