27.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Gaas oo cadeeyay mowqifkooda doorashada gobolada waqooyi ee Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa si adag uga hadlay kulankii laba maalin un ka hor kusoo idlaaday magaalada Muqdisho.

Madaxwweyne Gaas, waxa uu sheegay in kulankii ay magaalada Muqdisho uga qeybgaleen Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland aan looga hadal xaqiiqda jirta waxa uuna sheegay in ujeedka ay u aaden Muqdisho uu ahaa in laga qanciyo tabashooyinka Puntland.

C/wali Gaas waxa uu sheegay in Puntland aysan ku qanacsaneyn shirka ka dhacay magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay inay wanaagsan tahay in Khilaafka jira si xaqiiq ah looga wadahadlo.

C/wali Gaas, waxa uu sheegay inay haboontahay hadii kuraasta ay leyihiin beelaha dir waqooyi in lasiiyo laakiin aan la oran waxaa iska leh Somaliland marna Puntland.

C/wali Gaas waxa uu sheegay in Dowladda looga baahan yahay in ay siiso cid a iskaleh kuraasta Sool iyo Sanaag ee Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

Geesta kale, waxa uu cod dheer ku sheegay in Doorashada ka socta magaalada Muqdisho ay tahay mid ay kasoo horjeedan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News