Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa goordhow shir deg deg ah isugu yeeray Taliyayaasha iyo Saraakiisha laamaha amniga maamulka Puntland.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari ayaa sheegay in Madaxweynaha maamulka uu shirkaasi ula gol leeyahay ka jawaabida duulaanka ay Daacishta Somalia ku qabsatay Deegaanka Qandala ee Gobolka Bari.
Wararku waxa ay sheegayaan in Shirka diirada lagu saarayo xaalka Amni ee Gobolka kadib markii Daacishta Somalia ee daacada u ah Sheekh C/qaadir Muumin ay isku sii fidiyeen degmada Qandala ee Gobolka bari taas oo Boosaaso qiyaastii u jirta 75KM.
Saxaafada ayaa banaan joog ka ah Shirka waxaana lagu wadaa in shirka socda laga soo saaro go’aano ku aadan sida ay Puntland u wajahi laheyd maleeshiyaadka qabsaday deegaanka Qandala.
Maleeshiyaadka la wareegay Deegaanka ayaa la sheegay inay wataan gaadiid Dagaal oo kor u dhaafaya ilaa Shan gaari iyo kuwa raaxada oo ay saaran yihiin Dagaalyahaano caadi ah.
Dagaalyahaanada la wareegtay deegaankaasi ayaa Kor u dhaafeysa 80 sida aan ku sheegnay wararkeena hore.
Dadka Magaalada Qandala ayaa sheegay in Kooxda la wareegtay Degaanka Qandala ay Bartamaha Magaalada ka Taageen Calanka Ururka Daacish,kuwaasi oo dadka ku amray in aysan Barakac sameyn.
Maamulka Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sheegay in Koox Taageersan Daacish ay la wareegeen Degaanka Qandala ee Gobolka bari.
Dadka Deegaanka ayaa cabsi badan ay soo wajahday, waxaana dadka qaar ay ka barakaceen guryahooda.
Docda kale, Ciidamada Puntland ayaa jawaab ka sugaaya Shirka hadda socda oo uu Hoggaaminaayo Madxaweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]