Video: Jibriil Ibrahim Cabdulle oo baaq u diray Puntland iyo Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) –  Musharaxa ugu cad-cad tartanka madaxweyne ee sanadkan 2016 Jibriil Ibraahim Cabdulla ayaa u diray baaq nabadeed maamulada Galmudug iyo Puntland.

Musharaxa ayaa ka codsaday labada maamul in la joojiyo dagaalada laysiguna yimaado miiska wada hadalka si loo badbaadiyo dhiigaa shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Jibriil ayaa sheegay in loo turo shacabka, waxaa uu sheegay in meel looga soo wada jeesto kala aragti duwaanaanta oo leyska kaashado sidii loola tacaali lahaa abaaraha hadda ka jira Galmudug iyo Puntland.

Waa nasiib darro in 2016 markale lagu dagaalo qaab noocan ah. Waxaa uu ilaahey uga baryay in shacabka uu ka dul qaado masiibada abaaraha iyo colaada

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com