29.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

“Gaas waxaan ogaa isaga oo ka jiran maskaxda kuna shaqeeya dawo uu u qoray dhakhtarkiisa”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Dr. Ismaaciil C/raxmaan Cumar oo kamid ah Ragga sida dhow saaxiibada ula ahaa Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ka hor inta uusan Siyaasada soo galin, ayaa si fog uga hadlay Xaalada nololeed ee C/wali Gaas iyo Ragga Siyaasada Somalia hagaaya oo ah kuwo aan maskax ahaan fadhin.

Ismaaciil waxa uu sheegay in C/wali Gaas ay wax isla soo barteen balse uu aad uga walaacsan yahay halka Soomaalida ay Somalia u wado.

Ismaaciil waxa uu sheegay in xaqiiqo ahaan Reer galbeedka aysan diyaar u aheyn horumarka Somalia, waxa uuna tusaale usoo qaatay in dhammaan ragga Siyaasada dalka hagaaya ay yihiin kuwo aan Maskax ahaan fadhin, Kuwo lasoo shaqeeyay Argagixisada iyo kuwo Da’dooda ay aad u weyn tahay oo aan laheyn garasho ay wax ku maamulaan.

”C/wali Gaas waxa uu kamid ahaa ragga aan wax isla soo baranay, waxa uu ahaa nin ku shaqeeya dawo oo maskaxdiisa maaheyn mid taam ah, waayo waxa uu ka jirnaa dhanka maskaxda inta uu macalinka ahaa waxa uu si gaar ugu xirnaa dhakhtar gaar ah oo ka caawin jiray daweyntiisa”

”Hadda waxaa igu maqaal ah in dawooyinkaasi looga keeno dalka Mareykanka sanadkiina uu Seddex jeer oo caafimaad ah aado si loo soo baaro halka uu gaarsiisan yahay caafimaadkiisa”

”Wey adag tahay in qof saas ah uu maamulo deegaano isku tagay ama Siyaasad Somalia oo aan caga dhigan, waxaa ka dareemeysaa sida uu xaalkiisu yahay go’aanada aan mideysneyn oo uu gaaro iyo Khilaafkiisa oo saa’id ah”

”Shaqsi ahaanteydu anigu ma jecleen inaan soo bandhigo waxyaabaha ku xeeran arrimihiisa gaarka ah, balse waxa uu u jeedkeygu yahay inaan bidhaamiyo sida uu yahay xaalka mas’uuliyiinta dalka hageysa”

Ismaaciil waxa uu tilmaamay in ragga ay ka degi la’ dahay Siyaasada Somalia uu kamid yahay C/wali Gaas, balse uu arrinku yahay mid aan wacneyn haddii shaqsiyaad aan caafimaad qabin loo dhiibay Siyaasada.

Haddalka Ismaaciil ayaa imaanaya xili inta badan C/wali Gaas lagu eedeeyo inuu yahay ninka ugu muranka iyo Khilaafka badan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News