Muqdisho (Caasimada Online)- Maxamuud Axmed Nuur Tarsan gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa ka hadlay shirka madasha oo maalintii afaraad ka galay iyo guud ahaan xaalada dalka Soomaaliya.
Ugu horeyn wuxuu ka hadlay safarka Erdogan la filayo in jimcaha uu ku yimaado magaalada Muqdisho, isagoo amaanay taageerada dowlada Turkiga ay siiso dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dowlada aysan ka faa’ideysan taageerada Turkiga, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu soo hadal qaaday sidoo kale dhaqaalaha bil kastaa Turkiga uu siin doono dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay in balanqaadkii hore uu ahaa in dowlada Soomaaliya loo tababaraa ku dhawaad 20 kun askari.
Gudoomiyaha ayaa sidookale ka hadlay maqaamka Muqdisho,waxa uuna dhaliil xoogan u jeediyay madasha qaranka isaga oo intaasi raaciyay in awoodii baarlamaanka la adeegsaday.
Maqaamka Muqdisho ayuu sheegay iney ka hadli karan xildhibaanada Baarlamaaka Soomaaliya balse ma ahayn iney madasha qaranka ka doodan ayuu hadalkiisa raaciyay Tarsan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

