28.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Keating oo dacweeyay 2 dowlad oo uu shirku ka socon la yahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka howlgala Xarunta QM ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia Michael Keating uu Dacwad ka dhan ah Madasha wadatashiga u gudbiyay Dowladiisa Britain.

Wararku waxa ay sheegayaan in Michael Keating uu Dowladiisa ku wargaliyay in howsha loo igmaday uu ka wadi la’ yahay dowlado Yar yar oo faraha kula jira Siyaasada Somalia, isaga oo ka dalbaday in arrintaani wakhti hore ay kala xaajoodan QM, haddii aan wax laga qabana ay ku fashilmi doonaan hogaaminta Siyaasada Somalia.

Michael Keating, ayaa sheegay in go’aankii leysla gaaraba ay wakhti yar kadib ay madaxda Soomaalida bilaabayaan inay ka baxaan, go’aankii leysla gaaray.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Michael Keating dacwadiisa kadib ay Dowlada Britain Safar degdeg ah ku amartay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda wadankeeda si uu qeyb uga noqdo muranka Madaxda Soomaalida.

Philipp Hammond oo ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa lagu wadaa in maanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho, waxa uuna ujeedkiisa ugu weyn yahay in Madaxda uu kala qeybgalo shirka wadatashiga si go’aan maanta looga soo saaro.

Wasiirka Arrimaha dibadda UK Philipp Hammond,waxa uu Kulamo la qaadan doonaa Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Philipp Hammond ayaa Madaxda Dowladda Federaalka sidoo kale, kala hadli doona Arrimo la xariira Doorashooyin Soomaaliya ka dhici doona Bisha August ee Sanadkaan.

Madasha shirka ayaa waxaa faragalin xoogan ku haaya Dowladaha Ethiopia iyo Kenya oo marba dhinac lasoo safanaaya si aan go’aan looga gaarin shirka, waxa uun Keating walaac ka muujiyay labadaasi Dowladood.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana xiran wadooyinka qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News