Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka madasha Hoggaamiyayaasha Qaran ayaa maanta galay maalintii 4aad iyadoona uu ka sii gudbayo waqtigii loogu tala galay in lagu soo gaba gabeeyo Shirkaas.
Sababaha shirka sii daba dheereeyay ayaa la rumeysan yahay in ay tahay is muran baaxad weyn oo ka taagan Matalaada Aqalka Sare ay ku yeelanayaan Bulshada Muqdisho.
Shirka ayaa lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo islamarkaana laga soo saaro Bayaanka ay isku raaceen masuuliyiinta dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada.
Wararku waxay intaas ku darayaan in uu jiro is faham ku aadan maqaamka Muqdisho balse weli la iskuma raacin tirada xildhibaanada aqalka sare ay ka helayso iyo qaabka loogu qoondaynayo, waxaase lagu wadaa in arrintaan lagu caddeeyo war-murtiyeedka shirka laga soo saari doono.
Sidoo kale waxaa jiro qodobo aad u kooban oo la sheegay in Madaxda madasha ay isku afgarteen kuwaasi oo kala ah:
1- Qodobka koowaad ee leysku afgartay ayaa qeexaaya in Xildhibaanada 4.5 ku imaanaya deegaan loo qeebiyo.
2-In madaxda dowlad goboleedyadu sida ku qornayd heshiiskii Muqdisho saxiix ku yeeshaan Xildhibaanada kamid noqonaya aqalka hoose.
3- Qodobka Seddexaad ayaa qeexaaya in dhamaan qodobadii dhanka farsamada ee la xiriira qabsoomida doorashada la tixraaco.
Shirka ayaa lagu waday in la soo gabagabeeyo shalay galinkii dambe laakiin ma dhacin ,oo ilaa iyo xalay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada waxay Muqdisho ku lahaayeen kulamo gaar gaar ah .
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

