Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, xili ay hor fadhiyeen Beesha Caalamka.
Shariif Xassan ayaa la sheegayaa in cod dheer uu ku sheegay in Beesha Caalamka ay cadeyso cida ay u aqoonsan tahay Madaxweynaha Somalia, kadib markii uu dhaliilay qaabka ay ula dhacsan yihiin qaska iyo Khilaafka uu shirka ka dhex wado C/wali Gaas.
Shariif Xassan waxa uu sheegay in Horumar la’aanta heysata Siyaasada Somalia uu koow ka yahay C/wali Gaas, waxa uuna carab dhabay in Gaas uusan raali ka aheyn in Somalia ay isku soo dhawaato.
Shariif waxa uu kulanka ka dhex sheegay in Gaas uusan aheyn mid ku ek Siyaasadda Somalia balse uu yahay nin la shaqeyn kara dhinacyo kale.
Shariif waxa uu sidoo kale, sheegay in C/wali Gaas uu yahay caqabada keliya ee hortaagan xasiloonida Somalia waxa uuna yiri ”Waxaan jeclaan lahaa in laga gudbo Siyaasada u muuqaalka eg aargoosiga iyo keli talisnimada, Gaas waxaan ka dalban laheynay inuu dajiyo Siyaasada iyo ka hor imaanshiyaha wax waliba ee dani u ah Umadda Soomaaliyeed”
Sidoo kale, Shariif ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday inaysan simin go’aanka Madaxweynaha iyo kan C/wali Gaas, waxa uuna Cod dheer ku sheegay in Madaxweynaha Somalia uu yahay Xassan Sheekh, Gaasna uu yahay Madaxweyne maamul Goboleed.
Geesta kale, Madaxweyne Xassan ayaa aad ula dhacay haddalka Shariif waxa uuna haddalkaasi ku biiriyay in Beesha Caalamka looga baahan yahay inay taageerto wadada lagu gaari lahaa midnimada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

