28.4 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Beesha caalamka oo maanta u awood sheeganeysa madasha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Saakay lagu wadaa in Madaxda DFS iyo kuwa Gobolada dalka ay gaari doonaan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo saldhig u ah Reer galbeedka faraha kula jira Siyaasada Somalia.

Madaxda DFS iyo kuwa Gobolada ayaa maanta la filayaa in loo soo gooyo go’aan cad oo ay wadato Beesha Caalamka.

Shirka Seddexda maalin socday ee maanta gali doona maalinta Afaraad ayaan jirin wax guul ah oo laga gaaray, waxa ayna Wakiiladu ku doodayaan in ismari’waaga taagan uu sababi karo dib u dhaca ku imaada doorashada dalka.

Go’aan ka gaaris la’aanta qodobada ay madaxda uga doodayaan shirkooda ayaa saameyn xoogan ku yeeshay shirkii la filaayay in maalintii shalay uu ka furmo magaalada Istanbuul.

Madaxda dalka iyo kuwa Gobolada ayaa ka walaacsan go’aanada ay saakay kala kulmi doonaan Beesha Caalamka.

Lama oga waxa uu go’aanka soo bixi doona uu noqon karo, waxaase loo badinayaa in go’aanka uu yahay mid dhex dhexaad ka noqon doona labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News