Muddo bil ah ka badan ayay ku qaadatay in madaxweynaha maamulka Puntland uu ka hadlo khilaafka ka dhex oogan madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ama haddaan sida ku habboon u iraahdo “Inuu taageero u muujiyo R/W Cabdi Weli”.
Hadal qoraal ah oo uu Cabdi Weli Gaas soo saaray shalay ayaa ka koobnaa toddoba qodob, oo ay Puntland uga hadashay khilaafka ka dhex oogan madaxda sare ee DF, hase yeeshee waxaa isheydu ay si aad ah u qabatay saddex ka mid ah qodobadaas, oo u muuqday kuwa gef ah.
Saddexdaad qodob oo kala ah qobbada shanaad, lixaad iyo toddobaad, ayuu Cabdi Weli Gaas waxa uu meel uga dhacay oo uu ku aflagaadeeyey madaxweynaha Soomaaliya iyo xildhibaanada baarlamanka, isaga oo sidoo kalena hanajbaad cad u jeediyey.
Haddii aan ku hormaro qodobka 5-aad ee bayaanka waxa uu Gaas ku yiri sidan:-
Qodobkan waxa uu Cabdi Weli Gaas si toos ah ugu hanjabayaa, uguna aflagaadeenayaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, oo uu ku sheegay inay kala yihiin dhinacii laaluushka bixiniyey iyo dhinacii laaluushka qaadanayey.
Waxa kale oo uu qodobkan ku sammeenayaa eedeyn ah in dowladda Soomaaliya aysan dhaqaale siin ciidamadeeda, inkasta oo xogta Caasimada Online ay sheegeyso in blihii dhowaa ay ciidanka dowladda si toos ah u qaadanayeen mushaharkooda. Waxaa in dib loo xusuusto mudan in Cabdi Weli Gaas uu 10 bilood mushahar la’aan dhigay ciidamada dowaldda, intii uu ahaa ra’iisul wasaaraha Dowladdii KMG ahayd.
Dhinaca kale waxa uu Gaas qeexay in dalka ay abaaro ka jiraan, oo lacagtii abaabul siyaasadeed lagu bixin lahaa la siiyo dadka abaareysan, taasi oo fikir wanaagsan ah illaa inta laga ogaanayo in Gaas uusan weli wax caawimaad ah siin dadka ku abaareysan Koonfurta Soomaaliya.
Hadalka Cabdi Weli Gaas ayaa u muuqda faraca labaad ee hadalkii uu horey ugu dhiibay Nuuraadiin Diiriye oo gacan yare u ah Nicholas Kay, ee lagu aflagaadeeyey xildhibaanada baarlamanka Soomaaliyeed. Eedeymaha Cabdi Weli Gaas ayaa ah kuwa aan wax caddeymo ah loo hayn.
Si kastaba haddii ay jirto xildhibaanada BF ay lacag ku qaadanayaan codadkooda, waxaa xaqiiq ah in lacagtaas ay ka yar tahay tii Gaas uu ku bixiyey doorashadiisa madaxweynaha Puntland oo ahayd 20 kun oo dollar halkii codba.
Qodobka lixaad, ayuu Gaas ku yiri sidan:-
Qodobkan, waxa uu Cabdi Weli Gaas u muuqdaa mid u hanjabaya xildhibaanada iyo madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo caalamka ka dalbaya in tallaabo laga qaado, waxaase Gaas uu ilowsan yahay in dalka Somalia yahay dal madax banaan, oo xor u ah inuu gaaro go’aamada u gaarka ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaanadaba horey ayay uga jawaabeen qaladkii uu galay Nicholas Kay, markii uu tallaabo gudaha usoo galay madaxbanaanida Soomaaliya. Waxaa muhiim ah in Gaas uu garowsado in haddii isaga uu u arko in Nicholas Kay iyo dalalka deriska looga cabsado go’aanada gudaha Soomaaliya, in mas’uuliyiinta Muqdisho fadhiya ay si buuxda u ogyihiin macnaha madaxbannaanida iyo xornimada dalka.
Qodobka toddobaad-na waxa uu mudane Gaas u dhigay sidan:-
Qodobkan waa kan ugu xiisaha badan. Wuxuu Cabdi Weli Gaas ku muujiyey awood iyo in Puntland ay tallaabo ka qaadi karto madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaannada taageersan. Waxaa is-weydiin mudan in aqbalaadda iyo aqbalaad la’aanta dalabka Gaas ee waxa ka dhex socda DF ay saameyn yeelan karaan. Haddii sida Gaas uu ku dooday, sida uu rabo la yeeli waayo, maxaa tallaabo ah oo uu qaadi karaa?
Hadallada Cabdi Weli Gaas ayaa ah kuwa ka fog diblomaasiyadda, oo aan ku dhisneyn maslaxad raadin. Waa hadallo u muuqda kuwa suuqa, oo aan kasoo bixin mas’uul horey ra’iisul wasaare uga soo noqday Soomaaliya. Haddii Cabdi Weli Gaas doonayo in Soomaaliya ay ka hana-qaaddo dowlad dalka oo idil maamusha, saddexdii bil ee kastaba kama carrodeen dowladda.
Si kastaba, xildhibaanada baarlamanka iyo xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaa looga fadhiyaa inay jawaab ka bixiyaan aflgaadada iyo hanjabaadda Gaas, dibna u xusuusiyaan maqaamkiisa ah inuu maamulo laba gobol iyo bar, oo uusan wax shaqo ah ku lahayn dowladda federaalka.
W/Q: Axmed Cali Sheekh
Tifaftiraha Caasimada Online
www.facebook.com/alaxmed