25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

C/Weli Gaas oo ku dhawaaqay golaha wasiirada cusub ee maamulkiisa (Akhriso Liiska)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa goordhow ku dhawaaqay Golaha Wasiirada maamulkiisa.

Hogaamiyaha ayaa Wasiirada cusub kusoo biiriyay Xubno cusub oo aan ka dhexmuuqan jirin Siyaasada maamulka, halka qaarna ay yihiin kuwo aad looga garanaayo deegaanada maamulka.

C/weli Gaas ayaa Wasiirada cusub kasoo kala xushay dhammaan beelaha waxa uuna carab dhabay inaan maamulka soo mari doonin Wasiiro ka tayo badnaan doona kuwa uu hadda soo xulay.

Wasiirada lagu dhawaaqay ayaa ka kooban 20 Wasiir, 20 Wasiir ku xigeen iyo 13 Wasiir dowle oo isugu jira kuwo la yaqaan iyo kuwo aan la garaneynin.

C/weli Gaas ayaa horay u sheegay inuu la imaan doono Wasiiro uu kusoo xulan doono howl-karnimo iyo latashiyo dhinacyada ay khuseyso.

Dhawaan ayay aheyd markii Xildhibaanada Puntland kalsoonida ay kala laabteen wasiirada Puntland.

AKHRISO LIISKA GOLAHA WASIIRADA

1- Saalax Xabiib Jaamac Wasiirka Cadaaladda, iyo Arimaha Diinta

2- Cabdulaahi Cali Xirsi Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose

3- Axmed Cabdulaahi yusuf Dowlad – Wasiirka Amniga iyo DDR

4- Cabdulaahi Siciid Carshe Wasiirka Maaliyada

5- Shire Xaaji Faarax Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriir Caalamiga ah

6- Cabdiftaax Siciid Caynab Wasiirka Dastuurka Iyo Arimaha Fedraalka

7- Abshir Ow Yusuf Ciise wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta

8- Dr. Cabdinaasir Cismaan Cowke Wasiirka Caafimadka

9- C/rixmaan Barkhad Warsame , Wasiirka Howlaha Guud, Gadiidka iyo guryenta

10- Siciid Maxamed Raage Wasiirka Dekedaha iyo Amniga Badaha Puntland

11- Axmed Cilmi Cismaan Karaash wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada

12- Maryan Axmed Cali Wasiirka Hormarinta Haweenka

13- Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Warfaafinta iyo Boostada

14- Cabdiwali Xirsi Cabdule Indha guran Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

15- Cabdulaahi Sh. Axmed Wasiirka Xanaanada Xoolaha

16- Cabdinuur Cilmi maxamud Bindhe Wasiirka Beeraha iyo Waraabka

17- Dr. Cali Cabdulaahi Warsame Wasiirka Deegaanka

18- Cabdirshiid Maxamed Xirsi wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyradka Badda

19- Cabdi khadar Faarax Shaaciye Wasiirka Dib U dhiska iyo Maalgashiga

20- Cabdiraxman Sh. Axmed Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News