Hay’adda socdaalka oo loo magacaabay agaasime ku xigeen + Magaca iyo beeshiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa agaasime ku xigeen cusub loo magacaabay kadib muddo ay ahayd agaasime ku xigeen la’aan.

Warqad kasoo baxday wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale oo ay heshay Caasimada Online ayaa agaasime ku xigeenka hay’adda socdaalka loogu magacaabay Weli Guuleed Nuur, 3-dii bisha August.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Onloine u sheegay in ninkan uu kasoo jeeda beesha Mareexaan, gaar ahaan reer Diini. Agaasimaha hay’adda oo lagu magacaabo Koofi ayaa kasoo jeeda beesha Cayr ee Habar-gidir.

Hoos ka arag warqadda lagu magacaabay Weli Guuleed Nuur.