Xog: Kheyre oo laga yaabo in uu ka laabto magacaabista Yaxye iyo cadaasi lagu hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka fakaraya inuu ka laabto magacaabista la-taliyihiisa arrimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahim, oo uu ka hor-yimdi wasiirka arrimaha gudaha, kaasi u arkay in awooddiisa lagu wiiqayo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Kheyre uu cadaadis kaga imanayo xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan golihiisa wasiirada, oo ku eedeeyey inuu cadaadis ku hayo wasiirka arrimaha gudaha, oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo.

Khilaafka Kheyre iyo wasiir Cabdi Faarax Juxa ayaa markii hore kasoo billowday markii wasiir Juxa uu xilka ka qaaday xoghayihii joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahim, taasi oo Kheyre uu ka hor-yimid, inkasta oo markii dambe uu Yaxye aqbalay xil ka qaadista.

Khilaafka ayaa mar kale soo shaac baxay markii Kheyre uu Yaxye, oo ay isku beel yihiin u magacaabay la-taliyahiisa arrimaha gudaha, tallaabadaas oo Juxa uu arkay mid xilkiisa lagu soo faro-gelinayo.

Wasiir Juxa ayaa ku hanjabay in haddii Kheyre uusan ka laaban magacaabista Yaxye iyo guddiga arrimaha gudaha, ee uu hoos ka magacaabay wasiirka uu is-casili doono.

Warar ay Caasimada Online heshay ayaa sheegaya in Kheyre lagula taliyey in magacaabista Yaxye ay dhaawac gaarsiin karto, sababtuna ay tahay inay isku beel yihiin, loona arki karo inuu qabiil ahaan ku wado.

Ilo ku dhow xafiiska Kheyre ayaa sheegaya in inkasta oo uu weli go’aan kama dambeys ahaan qaadan, haddana Kheyre uu ku fakarayo, talooyinka loo soo jeediyey, lagana yaabo inuu qaato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com