31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

DHAGEYSO: C/Weli Sheekh oo dhaliilay hab-dhaqanka DFS una digay CCC !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay haysato mushkilad ah in la rido xukuumad walba markii ay la qabsato shaqada loo igmaday.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay oo kaliya sidoo wax looga baran lahaa arimahaan soo laab laabtay loogana baahan yahay madaxda dowladda in ay iska ilaaliyaan wax walba oo khilaaf ah.

Cabdiweli oo u waramay VOA ayaa soo hadal qaaday arimo ku aadan khilaafka isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh, iyo sidoo kale sida uu arko Ra’iisul wasaaraha cusub.

“Xukuumado badan ayaa dalka soo maray 10-kii sano ee lasoo dhaafay, mid walba hadii ay sanad shaqeyso waa la ridaa, waa mushkilad na haysta oo la doonayo in mar kale aysan soo noqon casharna laga barto, waayo qarash badan bay dalka ugu fadhisaa in sanadkiiba xukuumad la rido, lagu qarash gareeyo muddo Seddax bil, hadana shaqada markii ay la qabsato la rido”

Waxa uu usoo jeediyay baarlamaanka iyo madaxda dowladda Federaalka in ay u istaagaan xalinta arimahaan islamarkaana meesha laga saaro khilaaf iyo xukuumado la rido si shacabka horumar loo gaarsiiyo.

Cabdiweli ayaa dhanka kale sheegay khilaafkii u dhaxeeyay isaga iyo madaxeynaha in marar badan lagu soo dhawaaday in la xaliyo, hase ahaatee waxa uu sheegay in gadaal dambe ay arimo badan is bedaleen.

Halkan ka dhageyso Cabdi Weli Sheekh Axmed

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News