26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Gaas iyo Axmed Madoobe oo Muqdisho gaaray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdsho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo kuwaasi oo kasoo dhaqaaqay Puntland.

Wafdiga C/welli Gaas oo ay kamid yihiin xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan maamulkiisa ayaa waxay soo gaareen magaalada Muqdisho, waxaana kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo kasoo duulay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne Axmed Madoobe & C/Welli ayaa sheegay in ujeedada safarkooda magaalada Muqdisho uu salka ku hayo ka qeyb galka shir looga hadlayo aayaha Soomaaliya oo ka dhacayo magaalada Muqdisho.

Madaxweyne C/weli Gaas oo warbaahinta la hadlay intii uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa soo hadal qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan shirka ay Muqdisho uga qaybgalayaan, ugu horrayn waxaa uu sheegay inay shirkaas ka qaybgalayaan oo ay ku soo bandhigi doonaan aragtida siyaasiga ah ee Shacabka Puntland oo ah in wax lagu soo xulo habka degmooyinka.

Madaxweynuhu waxaa uu shacabka Puntland ugu baaqay inay dowladooda ku kalsoonaadaan oo aysan dhagaysan hadallada dad dano siyaasadeed wata oo doonaya inay shacabka marin habaabiyaan oo ay dowladooda uga sheegaan warar been abuur ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News