Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.
Kulankaasi oo ra’iisul wasaaraha dalka goobjoog uu ka ahaa ayaa waxaa laga soo saaray gudi ka shaqeeya xaaladaha nabad galyada ee magaalada Gaalkacyo.
Puntland ayaana ku hormartay shaacinta xubnaha gudigaasi oo Galmudug kala xaajoonaya dhameynta xiisadihii colaadeed ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Dhanka Puntland waxaa gudiga horkacaya gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Xasan Maxamed Abgaalow, waxaana ku jiro nabadoono iyo saraakiil ciidan.
Hishiiskii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa qodobada kamid ahaa in gudiyo la sameeyo kuwaasi oo ka wada xaajoon doona arimaha dagaalka iyo waxyaabaha keenay.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

