Cabdi Welli Gaas oo Wali ku dhagan DF Somalia

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C.welli Maxamed Cali Gaas,  ayaa soo dhaweeyay safar uu magaalada Garowe ku tagay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Madaxweyne Gaas ayaa markale eedeyn u jeediyay dowlada Soomaaliya oo uu sheegay ineysan dhex dhexaad ka aheyn dadaalada iyo dib u hishiisiinta dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug Axadii lasoo dhaafay iyo Maalintii Sabtida.

Wuxuu sheegay in maamulka Jubbaland uu gacan weyn ka geysan doono dhameyn xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay iney iska kaashan doonaan sidii loo dhameyn lahaa xiisada magaalada Gaalkacyo.

“Waxaa soo dhoweynayaa wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxay u yimaadeen inay gacan ka geystaan nabadeynta iyo joojinta dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo 22-kii bishan iyo Daraad, waa soo dhoweynayaa wanaaga ay wadaan ee Soomaalinimada ah, waa madax soomaaliyeed wixii kaga aadan howshan inay galaan, anaga diyaar ayaa u nahay inaan qaadano wixii maslaxad iyo wanaag Soomaaliyeed ah”ayuu yiri Madaxweyne C/wali Gaas.

 

Dhanka kale madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay sharci ku daro ku dhistay maamulka Galmudug ayna masuul ka tahay wax walbaa oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sida uu sheegay madaxweynaha.

“Waxaa shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u sheegeynaa dagaalka ma ahan Galmudug iyo Puntland mid ka dhaxeeyo, waa dagaal meelo kale laga soo abaabulay eeda ugu horeysa waxaa leh dowladda Federaalka, iyada sharci daro ku dhistay Galmudug, sharci darro ayay ku taageereysaa, cida gar-darada iyo dhibta wada wax la qarinayo ma ahan, si cad ayay uga qeyb galeen dagaalka, ciidamadii ay soo tababartay oo hubkeeda iyo rasaasteeda, dareyskeeda wata ayaa ka qeyb galay, dowladda Federaalka dhex dhexaad kama ahan waxa ka socda Gaalkacyo, Mas’uuliyadeeda iyada iyo cida la wadaagta ayaa qaadanaya”ayuu si kulul u yiri Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas

 

Caasimada Online
Xafiiska Nugaal
Caasimada@live.com